Banaanbax balaaran oo looga soo hor jeeday gudoomiyaha cusub ee gobolka Bay ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolkaasi.
Banaanbaxayaasha oo socod dheer ku maray qaar kamid wadooyinka magaalada baydhabo ayaa waxa ay ku qaylinayeen doonimeyno Cabdi Aadan Hoosow oo ah gudoomiyaha cusub ee gobolka Bay, ayagoona taageero u muujinayey gudoomiyihii hore ee gobolka Bay Cabdi Fitaax Geesey.
Mid kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadashay idaacada Ris
aala ee magaalada muqdisho ayaa waxa sheegtay in banaanbaxooda Ujeedkiisu ahaa muujinta arin ay ku sheegtay afduub lagu sameeyey gudoomiyihii hore ee gobolka Bay.
Dhawaan Xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxa xilalka ku kala wareegay gudoomihii hore ee gobolka Bay Cabdi Fitaax Geesey iyo gudoomiyaha cusub Cabdi Aadan Hoosow oo dhawaan dowlada magacawday.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.