Haweeney Soomaali ah oo umushay saddex mataano ah oo mid ka mid ahi mucjiso leeyahay

jiinka August 26, 2012 Comments Off
Haweeney Soomaali ah oo umushay saddex mataano ah oo mid ka mid ahi mucjiso leeyahay

 

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raaxo Carab Aw Muxumed ayaa Labo Todobaad kahor umushay saddex carruur oo mataano ah kuwaasoo Laba yihiin wiilal, midna Gabar.

Haweeneydaas oo ku umushay tuulo ku taala magaalada Gabiley ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa mid ka mid ah wiilasha ay umushay waxa uu leeyahay Afar xaniinyood oo xubnihiisa taranka ragga ay ka kooban yihiin, waxayna sheegtay in iyada iyo saddexda carruur ee ay mar qura wada dhashay ay caafimaad qabaan.

“Inkasta oo aanan ku fakareynin inaan saddex carruur hal mar wada dhalayo, haddana waan dareemayay inaan mataano siday oo culays badan ayaa jiray” ayay tiri Haweeneydaas oo dhakhtar aanu ka umulinin.

“Ma heli karin dhaqaale aan dhakhtar kula xiriiro, Umulliso dhaqameed deegaankeena ah ayuun baa iga umulisay, waana Ilaahay mahaddiis oo wax dhibaato ah lama aanan kulmin” ayay tiri Raaxo Carab Aw Muxumed oo dhibaatada kaliya ee heysataa ku sheegtay inay tahay dhaqaalo xumi, iyadoo xustay inay ku nool yihiin nolol liidata.

“Carruurta iyo aniguba waxaan u baahanahay nafaqo, hu iyo hoy, cid Alla ciddii hor illaahay wax noo tari karta waxaan ka codsanayaa inay wax na soo tarto” ayay tiri Hooyada saddexda carruur ah halka mar wada dhashay.

Dhanka kale aabaha saddexda carruur ay u dhasheen oo lagu magacaabo Axmed Daahir Sheekh Qaasin Muuse Diiriye ayaa isna sheegay in saddexda mataane ee u dhashay ay yihiin hadiyad illaahay uu ugu deeqay.

“Marka hore waxaan ugu shukrinayaa Allihii i siiyay ubadkan, Soomaaliduna waxay tiraahdaa (HADDUU ROOB YIMID, ROOROORNA WUU YIMID)” ayuu yiri Axmed Daahir oo intaa ku daray in Mataanaha saddexda ah ee halka mar wada dhashay dhib iyo dheefba ay la soo kordheen.

“Meesha ay ku dhasheen waa meel Miyi ah, nolosha qoyskuna aad bay u hoosaysaa, marka waxaan guud ahaan ummadda islaamka meel kasta oo ay joogaan ka dalbanayaa inay na soo caawiyaan oo qof kastaaba wixii uu heli karo nagu soo caawiyo” ayuu yiri Axmed Daahir oo lambarka telefoon ee lagala xiriiri karo uu yahay +252-2-4660051

Saddexdan carruur ee u dhashay qoyskaasi ma aha kuwii ugu horreeyay ee u dhashay, waxay horey u heysteen Afar carruur ah oo kale, iyadoo saddexdanina ay qoyskaasi ka dhigayaan Todobo carruur ah.

W/D: Caaqil Dalmar
caaqildalmar@aarannews.com

Comments are closed.