Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Sida warku sheegayo qorshaha safarkooda ayaa ah inay xil wareejin ku sameeyaan Guddoomiyihii hore Gobolka Bay C/fataax Geesey oo haatan ku qancay xil ka qaadis bishii hore lagu sameeyay oo markii xilkaas laga qaaday uu gaashaanka u daruuray.
Qabanqaabo ku aaddan munaasabada xil wareejinta ah ee ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyihii hore C/fataax Geesey iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo dhowaan wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari lagu magacaabay.
Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey oo ku gacan seyray xil ka qaadista ayaa kadib loo soo kaxeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in wadahadalo kadib lagu qanciyay inuu xilka wareejiyo.
Kulamo ammaanka looga hadlayo oo ku aadan sidii la isu waafajin lahaa maamulka cusub iyo maamulkii hore ayna uga shaqeyn lahaayeen ammaanka ayaa ka socda Madaxtooyada, waxaana shirka ka qeyb qaadanaya saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.