QARAMADA MIDOOBAY OO RAJO WANAAGSAN KA MUUJISAY QAADISTA CUNAQABATEYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

xeydar March 3, 2013 Comments Off
QARAMADA MIDOOBAY OO RAJO WANAAGSAN KA MUUJISAY QAADISTA CUNAQABATEYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay qaadista cuna qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya in ay la micno tahay in la ciribtiro sida ay sheegeen ururka Al-shabaab.

Waxaana Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay sheegeen in mudo hal sano ah laga qaado Soomaaliya cuna qabateynta hubka,t aasi oo arbacada Soo socoto laga doodi doono.

Qararkan oo ay diyaarisay dawlada Britain ayaa sheegaya in noocyo ka mid ah hubka dalka loo ogolaado, Sidoo kale waxaa uu qaraarku xusaya in kaalmada dhanka farsamada ciidamada dawladu heli karto.

Xukuumada Maraykanka ayaa dabada ka riixaysa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta, balse wadamada Britain iyo France ayaa weli qaba walaac oo doonaya in arinta hubka aan lagu deg degin.

Qaraarka Britain ayaa waxaa ku cad in hubka aan gacanta loo gelin karin cid aan aheyn ciidamada dawlada islamarkaana aan la ogolayn in ay adeegsadaan shakhsiyaad ama kooxo.

Waxaa kale oo qaraarku leeyahay arintani ay noqoto tijaabo hal sano ah islamrkaana aan la qaadin cunaqabataynta hubka culus sida lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhinaca meleteriga weli kaga tiirsan ciidamada AMISOM, IGAD iyo Beesha caalamka.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.