Cayaar katirsan tartanka koobka Suleymaan Colaad Rooble ayaa maalintii Jimcaha 01/03/2013 ka dhacday garoonka Sharafiyah taasi oo dhexmartay kooxaha GUMEYSIDIID VS. WEBISHABEELE2, IF.CANEYKISH VS. WAABERI ONE, BAANOW STARS VS. BENIMAALIK, BARQASH STARS VS. MIDNIMO BAWADI.
Kooxda Gumeysi-diid iyo Kooxda Webishabeelle2 ayaa dhibcihii maanta halkaasi ku uruursaday kooxda Gumeysidiid oo 2 – 1 kaga badisay kooxda Webishabeelle2, sidoo kale kooxaha IF.CANEYKISH VS. WAABERI ONE, ayaa iyana barbaro ku kala qeybsaday ciyaartoydooda, kuwaasi oo runtii soo bandhigay cayaar ay dadweynihii usoo daawasha tegay u riyaaqeen.
Waxaa gelinkii hore ee ciyaartaasi ku gacan sareeyay kooxda Waaberi One oo hogaanka u haysay haseyeeshee waxaa iyana laga gacan sareeyay gelinkii dambe ee ciyaarta waxayna cayaarta kusoo gabagabowday 3 – 3 oo ay iyana dhibcihii ciyaarta ku kala qeybsadeen.
Cayaartii saddexaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha BAANOW STARS VS. BENIMAALIK oo ahayd ciyaar ay kooxda Benimaalik ugu soo tabaabusheysteen sidii ay u goosan lahaayeen dhibcaha cayaarta, kadib markii ay labadii kulan ee hore guuldaro ka muteysteen tartanka, waxaana u suuragashay inay kooxda Benimaalik Gool iyo Eber kaga badiyaan kooxda Baanow Stars.
Cayaartii u dambeysay ee afaraad ayaa iyana dhexmartay naadiyada BARQASH STARS VS. MIDNIMO BAWADI, iyadoo ay labada kooxood kusoo galeen feejignaan iyo difaacyo adag oo ay koox walba ka cabsaneysay in gool looga hormaro.
Cayaartoyda Naadiga Midnimo Bawadi ayaa dardar xoogan ku soo galay ciyaarta gelinkeeda dambe iyagoo daqiiqadii u horeysay ka dhaliyay gool wanaagsan, haseyeeshee ciyaartoydooda oo isdhigatay ayey kooxda Barqash waxay haleeshay goolkii barbarada, sidaasina ay dhibcihii ku kala qeybsadeen.
Muuse Cabdalla Maxamed “GOOBE”
Maamulka Xiriirka k.cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed eeJeddah – CANEYKISH-
Comments are closed.