Kuxigeenka Xogahayaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan hawlgalada adeega dibadda Maciej Popowski iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho ayagoona kulamo la qaatay madaxda dowlada federaalka ee soomaaliya.
Kuxigeenka Xogahayaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan hawlgalada adeega dibadda ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Raysal wasaaraha Soomaaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayagoona ka wada hadlay taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga, Maciej Popowski ayaa sidoo kale kulan la qaatay wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga dowlada fedraalka soomaaliya.
Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/Karin Xuseen Guuleed isagoona sheegay in wafdiga ka socday midowga yurub ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somaliya iyo Midowga Yurub iyo adkeynta amaanka Soomaaliya.
Mar. Popowski ayaa isna dhankiisa sheegay in xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ay tahay howsha ugu horeysa ee Midowga Yurub uu diirada saari doono, isagoona xusay in midowga yurub wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan Midowga Africa iyo dowlada Soomaaliya.
Wafdigani ka socday midowga yurub ayaanan aheyn kii ugu horeeyey ee soo gaara caasimada saoomaaliya ee muqdisho.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.