Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xafiiska R/wasaaraha ayaa waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay qaar ka mid ah wasiirada xukuumada fedaraalka kuwaas oo safari shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiirka Khayraadka oo safar shaqo ah ku tagay dalalka Suudan iyo Ethiopia,
Waxayna sheegeen in ay shirar la qaateen dhigooda dalalkaas ayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib u dhiska, waxbarashada iyo soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday sharciga Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya oo ay dowaldu ku tala jirto in ay dhawaan howl galiso,
kadib marka loo sameeyo sharci lagu maamulo, Banigaga Horumarinta ayaa laf dhabar u ah dhiiri galinta ganacsiga iyo horumarinta dadka dan yarta ah,
Sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada. Waxaa kale oo golluhu maanta ka dooday kulanka ciidamada XDS lagu bogaadiyay guulihii ay ka gareen gobolka Baay, maadama si xeeladeysan ay ula wareegen dagmada Buur hakaba.
Iyadoo lagu heshiiyey in la meel mariyo todobaadka soo socda marka golaha wasiiradu isugu yimaadana kulankooda caadiga ah.
Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta mudane Ibraahim Isaaq Yaroow waxa uuna sheegay in kulanka laga soo saaray go’aano ku aadan qaadista canshuurta taas oo si KMG ah loo ansaxiyay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.