Xarunta Gobalka Jubadda hoose ee Magaalada Kismaayo waxaa ka furmay shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo maalmahan qaban qaabadiisa ay socotay.
Boqolaal ergo ah ayaa shirka furitaankiisa fadhiyey kuwaas oo ka kala yimid Gobolada Jubooyinka & Gedo. Waxa madasha shirka ku sugnaa Salaadiin, cuqaal, nabadoono, ganacsato culimada diinta, aqoonyahano, qurbo joog, haweenka iyo marti sharaf kale oo badan.
Masuuliyiin ka socoto Urur Gobaleedka IGAD inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin wararkaasi.
Shirka ayaa maanta u badnaa khudbado ay halkaas ka so jeediyeen qaban-qaabiyaasha iyo masuliyiin kale, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadley
Shiikh Axmed Maxamed Madoobe oo ku dheeradey muhimaddu shirku lee yahay iyo sida ay uga go’antahay in bulshada wada degta goboladaas oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen maamulka la doonayo in la dhiso
Axmed madoobe ayaa sheegay in shacabka Gobalada Jubbooyinka Iyo gedo ay masuuliyad ka saaran tahay ka tashiga aayaha Gobalada balse cid kale aan laga tashaneyn maamul usmaeynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.