Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo si aad ah u qalabeysan waxa ay la Wareegeen gacan kuheynta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay taasoo ay ciidamadu kaabiga u Saarnaayeen.
Buur hakaba waxay ay ahayd magaalada keliya ee waddada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho ciidanka dowladda iyo AMISOM ayaa sahleysa in ay isku xirmaan isu socodka magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho iyada oo laamiga oo dhan ay maamulayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
kasokoow Degmada Buurhakabo iminka ay doonayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha.
Dhaqdhaqaaqa Gobolada Baay,Bakool ,Hiiraan iyo SHabeelada Hoose imanka oo la xusay inla fududeyn doono.
Gudaha degmada Buurhakabada gaar ahaan xarunta degmada iyo saldhiga Booliska ayaa waxaa saaka Isugu soobaxay dadweyne aad ufarabadan oo isaga kala yimid xaafadaha.
Maagalada iyo tuulooyinka Kuheeran kuwaasoo isugu soobaxay sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen ciidamada dowlada iyadoo la Arkayay ciidamada oo u sii ruqaansanaya dhinaca magaalada Baydhabo gaar ahaan deegaanka Maayafuulka oo ay kusii wajahanyihiin.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.