Maamulka wasaaradda howlaha guud iyo Dakadaha Soomaaliya ayaa maanta Raashin dhiirra galin ah u qeybiyay howlwadeenada wasaaradaasi iyadoo howlwadeennada wasaaradduna ay maamulkooda ku amaaneen sida uu ugu heelanyahay Daryeelka shaqaalaha.
Deeqdan oo ah mid kor loogu qaadayo muraalka shaqalaha wasaaradda Howlaha guud iyo dakadaha ayaa ka timid qasnadda ay leeyihiin shaqaalaha wasaaradda taas oo bil walba ay ku ritaan dhaqaale ay mushaaraadkooda ka jareen si loogu caawiyo qofkii ay xaalad la soo gudboonaato.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamad Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in talaabadan aysan aheyn tii ugu horeysay ee shaqaalaha wasaaradda Raashin loogu qeybinayo isagoo xusay in ay sidaan oo kale sameyeen waqtiyada uu mushaaraadka ka soo daaho shaqallaha ayna isku maareeyaan dhaqaalaha ay ka jaraan gunadooda oo sanduuq gaar ah loogu keydiyo.
Talaabadan ayaa ah mid si weyn u dhiirri galineysa howlwadeenada wasaaradda iyadoo maamulkuna uu u balan qaaday in aysan maanta ku ekaan doonin hase ahaatee ay garabtaagnaan doonan xaaladda adag ee ay shaqaaluhu ku dhabar adeegayaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.