Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Wafdi balaaran oo horkacayay Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Mr Matt Baugh, waxaana ay halkaasi kulamo kula qaaten Madaxda ugu saraysa Maamulka Puntland.
Madaxwaynah Maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay Wafdiga markii ay gaareen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaana goob-jooga ka ahaa kulankaasi Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire Wasiirka arimaha gudaha Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Markii uu soo dhamaadey ayay si wadajir ah ula hadleen Saxaafada,waxana uu sheegey Madaxweynaha Puntland inay ka wadahadleen Siyaasada Somalia ,Amniga iyo Hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan Puntland.
Safiirka ayaa dhankiisa ugu horey ka tacsiyeeye dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax ,isagoona raacshay in dowladiisu ka caawineyso Puntland amaanka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hanaanka Dimoqraadiyada Puntland.
Xiriir wanaagsan inuu dhexmaro Puntland iyo Britain iyo wada shaqeyn wacan Mustaqabka ayuu rajo wanaagsan ka muujiyey Ambassador Matt Baugh.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.