Ciidamada dowlada ayaa howlgal ay sameeyeen degmada Jowhar waxa ay kusoo heleen Keyd rasaas, Miinooyin iyo walxaha kale qarxa ah.
Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in gudaha Jowhar qeybo ka mid ah ay ka soo heleen miinooyinkaas, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogaan dadkii aasay, isla markaana ay hayaan xogtooda.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa soo dhoweyay howlgalka ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa.
Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha qarxa,
Waxaana tan iyo markii lala wareegay magaalada Jowhar ay ciidamada soo qabteen waxyaabo qarxa iyo miinooyin la aasay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.