Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada kismaanyo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose iyagoo halkaasi wadatashiyo kula qaadanaya Masuuliyiinta Maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee Goballada Jubooyinka.
Wafdiga wasiirka arimaha gudaha uu hogaaminayo ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho iyadoo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo halkaasi oo saraakiisha AMISOM iyo maamulka KMG ee Kismaayo ay si qurux badan ugu soo dhaweeyeen.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubnihii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinka maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada.
Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan waxgaradka, maamulka iyo saraakiisha ciidamad si looga arinsado maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com
Comments are closed.