Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Muqdisho kaddib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia.
Prof Jawaari oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in uu Ethiopia wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalkaas Abadula Gemeda oo uu xusay in ay is-dhaafsadeen fikrado iyo talooyin kala duwan.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen isaga iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Ethiopia xiriirka labada baarlamaan iyo sida ay uga wada shaqeyn karaan nabadda gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cismaan ayaa intii uu joogay Ethiopia wuxuu kaloo booqday xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, halkaa soo uu wada-hadallo kula yeeahay mas’uuliyiinta maamulkaas.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.