Dhismihii Safaaradda Neeroobi Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyey Soomaaliya

jiinka February 23, 2013 Comments Off
Dhismihii Safaaradda Neeroobi Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyey Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay warqadda milkiyadda dhulka safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd magaalada Nairobi,

 

Iyadoo sanadkii 2010-kii ay maxkamadda sare ee dalka Kenya u xukmisay dowladda Soomaaliya.

 

Safiirka ayaa sheegay in ay muddo sugayeen warqadda milkiyadda, sheegayna maadaama maanta lagu wareejiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay dayactir ugu samayn doonaan burburka xooggan ee ka muuqda dhismaha safaaradda, loona guuri doono.

 

dhawaan  ayuu sheegay in safaaradda uu horay u iibsaday nin safiirka ahaa 1995-tii balse dacwad ay dib u fureen sanadkii 2006-dii ay horseedday in dib loo hanto dhulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi,

 

Isagoo u mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaateen soo celinta dhulkaas.

 

Toddobadii bishii Diseembar ee sanadkii 2010 ayaa dadaal dheer oo uu sameeyay danjiraha Soomaaliya ee Kenya wuxuu ku guuleystay inuu dib u soo celiyo dhismaha safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi, oo si sharci darro ah uu u iibsaday nin Hindi ah.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.