Markacadeey oo Zilzaal darajadiisu tahay 7 rekhtar ku garaacday Benimaalik, iyo Midnimo Bawadi oo Shan gool u xiriirisay Webi shabeelle, halka Waaberi ay laba gool iyo gool ku saxriirisay Webi Shabeele2, iyo Kandara oo lagu miirbeeliyay 5 gool oo nadiif ah.
Ciyaaro xiiso badan ayaa maanta ka dhacay garoonka Sharafiyah ee magaalada Jeddah, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha WAABERI VS. WEBISHABEELLE2, iyo KANDARA VS. WAABERI ONE, iyo MARKACADEEY VS. BENIMAALIK, iyo WEBISHABELLE VS. MIDNIMO BD
Cayaartii hore ayaa waxay dhexmartay kooxaha Markacadeey Vs Benimaalik, iyadoo ay dadweynihii maata usoo daawashategay gedigood ay ahaayeen kuwo fiirsada cayaartaasi, waxayna ahayd ciyaar xamaasad iyo taageero weyn haysatay.
Gelinkii hore ee ciyaarta ayay kooxda Markacadeey iyadoo qabtay guuldaro xoogan oo ka soo gaartay naadiga Gold Star (4-1) ayaa waxay kusoo gashay dardar xoogan oo cabsi gelisay kooxda Benimaalik waxayna si darandoori ah shabaqa goolhayaha Benimaalik u ruxeen 5 jeer oo ay gelinkii hore ciyaarta kusoo gabagabowday 5 – 0.
Gelinkii dambe ee ciyaarta waxay kooxda Benimaalik bedeleen hanaankoodii ciyaarta waxayna xoojiyeen weerarada ay ka dhisaan labada baale taasi oo u suura gelisay inay gool ku keenaan kooxda Markacadeey, haseyeeshe goolkaasi kadib waxay Markacadeey si xiriir ah u dhalisay laba gool oo ciyaarta ay ku soo afjareen 7 – 1.
Cayaartii labaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Waaberi Vs Webi Shabeelle2, ciyaartaasi ayaa ahay ciyaar wanaagsan oo kusoo idlaatay 2 – 1 oo ay kooxda Waaberi ugu awood sheegteen kooxda Webi Shabeelle2 oo ay bideen guuldaradii labaad ee tartanka.
Cayaartii saddexaad ayaa iyana dhexmartay kooxaha Webi Shabeelle Vs Midnimo Bawadi, ciyaartaas ayaa dhalinyaradii Midnimo waxay kusoo galeen firfircooni dheeri ah, iyadoo ay gelinkii hore ee ciyaarta kusoo afjareen 3 – 0.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood kolkii ay lasoo tashteen tababarayaashooda waxay xoojiyeen dhinaca difaaca oo waxay nususaacii ugu horeeyey ee ciyaarta gelinkeedii dambe noqotay ciyaar u dhaxeysay labada difaac, haseyeeshee tobankii daqiiqo ee u dambeeyay ayay kooxda Midnimo Bawaadi si isxigxig ah u dhaliyeen laba gool oo ay ciyaarta kusoo afmeereen 5 – 0.
Cayaar afaraad ayaa iyana ka dhacday garoonka Sharafiyah iyadoo ay is wada arkeen kooxaha Waaberi One Vs Kandara.
Cayaartan ayaa ahayd mid xoog ku bilaabatay waxayna labada dhinac is weydaarsadeen weeraro halis ah, inkastoo ay kooxda Kandara ku cayaar wanaagsaneyd hadana waxaa lagu dilay khibrad loogu awood sheegtay.
Waxay cayaarta gelinkeedii hore kusoo idlaatay 2 – 0 oo ay kooxda Waaberi One ku hogaaminaysay, haseyeeshee waxaa ciyaar wanaagsanaa kooxda Kandara oo aan haysan dhameystire wanaagsan oo dhameystira weerarka aysoo dhisaan ciyaartoyda dhexe.
Gelinkii dambe ee ciyaata waxay kooxda Waaberi one haleeshay shabaqa reer Kandara 3 jeer oo kale waxayna ciyaarta kusoo gabagabeeyeen 5 – 0 oo ay halkaasi ku urursadeen dhibcihii ciyaarta.
Waxaa diyaariyey:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.