Gegmada Janaale Dhanka Nolosha Waa Sidee Iyo Xaaladda Gobalka Sh. Hoose

jiinka February 23, 2013 Comments Off
Gegmada Janaale Dhanka Nolosha Waa Sidee Iyo Xaaladda Gobalka Sh. Hoose

Maamulka deegaanka Janaale ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka nolosha ah ee ka taagan Magaaladaasi kadib markii dhawaan ciidamada Dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen.

 

Guddoomiyaha deegaanka Janaale Bashiir Cabdi Axmed oo la hadlay saxaafada ayaa wuxuu sheegay in xaaladaha iminka ka jira Janaale ay tahay mid wanaagsan inkastoo uu tilmaamay qoysaska ku nool deegaankaasi inay xaalado dhanka nolosha haysato.

 

Bashiir Cabdi Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dhanka samafalka qaabilsan inay shacabkaasi lasoo gaaraan kaalmo bini’aadinimo.

 

Wuxuu sheegay in deegaanka uu ku yaalo hal ceelbiyood dhamaan dadka deegaankana ay ka cabaan isaga oo intaasi hadalkiisa raaciyay inaysan ku filneyn cabista ceelkaasi dadka deegaanka.

 

Dhawaanahan roob kama da’in deegaanka dadkana diif ayaa ka muuqato ayuu raaciyay hadalkiisa Guddoomiyaha deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.

 

Janaale ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo maamulka Deegankana iminka uu muujiyay in shacabka ku nool deegaankaasi ay haysato xaalado dhanka nolosha ah.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.