Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Dalka Oo Magaalada Khartoum Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Ee Dalka Sudan[Sawiro]

jiinka February 22, 2013 Comments Off
Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Dalka Oo Magaalada Khartoum Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Ee Dalka Sudan[Sawiro]

Waxaa magaladda khartuum ee dalkaasi suudaan Kulan la qaatay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Gaadiidka iyo Wadooyinka Dalka sudan Mudane Axmed Baabikir oo ahaa Wasiirka uu Marti qaadka rasmiga ah ka helay.

 

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya dalalka Somalia iyo Sudan gaar ahaan labada Wasaaradood.

 

Kulankaas labada Wasiir oo ka dhacayay Hoyga Wasaarada Gaadiidka iyo Wadooyinka Dowladda Sudan ee khartuom,

Wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Sudan Axmed Baabikir ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wax u qabashada dalka Soomaaliya oo ay walaalo yihiin.

 
Inta badan waxaa xooga lagu saaray in Labada dhinac ay iska caawiyaan Dhinacyada quseeya ee aadka u danaynayaan labada Wasaaradood.

 

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka ee xukuumadda Somalia Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy ayaa ka mahad celiyay marti qaadka uu ka helay wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee Dalka Sudan,

 

Isagoo carabka ku dhuftay in isaga iyo wasiirka ay isku afgarteen in la sameeyo guddi khuburro ah oo ka shaqeeya heshiis horudhac ah oo ay kala saxiixanayaan laba wasaaradood.

 

Mudane Axmed Baabikir ayaa sido kale ugu Mahadnaqay sida wacan uu marti qaadkii ay u fidiyeen Wasaarada Howlaha guud & dib u dhiska dalka Soomaaliya ay uga mahad calinayaan marka hore.

 

Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy ayaa intaa isagana raaciyay in dalka Soomaaliya ay xilli dhow tagi doonaan khubaro ka socda dowladda Sudan, si ay u soo indho indheeyaan xaaladda dalka.

 

Wasiirka Gaadiidka Dalka Sudan ayaa Sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqaynta wax uu ku tilmaamay Wax wada qabsi hadii ay Soomaaliyana ay wax u qabtaan aysan ka dhignayn in ay yihiin wadan shisheeye oo ay wax u qabteen hasayeeshee ay yihiin walaalahood ay wax u qabteen.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.