Maalinimada biri lagu waday in oo furmo shirka loogu go gol xaraayo in maamul Loogu dhiso Gobolada Koofureed ee wadanka Soomaaliya ayaa Galabta waxa shaaciye gudiga Maamul Usameynta Maamulkaasi in dib u dhacay.
Guddoomiyaha guddiga Macallin Maxamed Ibraahim ayaa ka sheegay shir jaraa’id in uu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan.
Macallin Maxamed Ibraahim ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse wuxuu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.
Ugu danbeyntii Guddiga farsamada ayaa dhawaan sheegay in shirka uu yahay mid maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka,
Looguna talagay in ay ka soo qeyb galaan 500 qof oo ergooyin ah isugu jira dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.