Madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ee USAID ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Booqashada Rajiv Shah, maamulaha USAID uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa ka dhigeysa mas’uulkii ugu sareeyay maamulka Maraykanka ee booqasho ku taga Muqdisho muddo sanado ah.
Dowladda Maraykanka oo bishii la soo dhaafay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay 20 sano ayaa sheegtay inay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu sheegay Rajiv Shah.
Shah oo shir jaraa’id la qabtay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo dhan 20 milyan oo doollar oo lagu taageerayo mashaariic caafimaad iyo waxbarasho. Shah wuxuu sheegay in Maraykanka uu sidoo kale doonayo inuu Soomaaliya ka caawiyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Wuxuu rajo ka muujiyay mustaqabalka dalka, oo soo maraya dhibaatooyin isugu jira dagaallo, macluul iyo argagaxisannimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hay’adda USAID ay ballan-qaadday inay billowdo dib u dhiska iyo dayactirka xarumaha muhiimka ah u dowladda ee Muqdisho.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.