Danjiraha Japan Oo Madaxweynaha Soomaaliya Ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga

jiinka February 21, 2013 Comments Off
Danjiraha Japan Oo Madaxweynaha Soomaaliya Ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga

Dowladda Japan ayaa ku casuntey Madaxweynaha Soomaaliya Shirweynaha caalamiga ah ee TIKAD (Tokyo International Conference for African Development) oo Bisha June lagu qaban doono Magaalada Tokyo.

 

Safiirka Japan ee Somalia Toshihisa Takata oo maanta warqadihiisa aqoonsiga danjirnimo uu ka guddoomay madaxweyne Xasan Sh.maxamuud ayaa sheegay in R/wasaaraha japan Mr hape uu martiqaad usoo diray madaxweynaha Soomaaliya isagoo ku casuumay inuu ka qeybgalo Shir madaxeedka Wadahadalka caalamiga ah ee Horumarinta Afrika kaasoo ah Shirkii 5aad ee la qabto tan iyo markii la bilaabay sanadkii 1993-kii.

 

Raysal Wasaaraha Japan ayaa sidoo kale usoo diray hambalyo madaxweyne Xasan Sheekh Dhismaha Dowladdiisa iyo Isbedelka uu sameeyay.

 

Safiirka ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono 1-3-June ee sanadkan 2013 iyadoo ay martigelinayso Dowladda Japan waxa uuna uga mahadceliyay Madaxweynaha inuu ka guddoomo warqadihiisa aqoonsiga.

 

Sidoo kale wasirka arrimaha dibadda ahna Ku xigeenka R/wasaaraha Fowsiya Yusuf oo goob joog ka aheyd kulanka ayaa sheegtay in sidoo kale ay ka wada hadleen ka qeybgalka shir kale oo lagu qaban doono addisababa ka hor bisha june madaxweynuhuna uu ka aqbalay.

 

Dowladda Japan ayaa horey u aqoonsatey Dowladda Soomaaliya ee hadda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud, waxana Madaxweynuhu marar badan sheegay in dalka Japan go’aansadey in wixii kaalmo ah toos ugu dhiibayo dowladda ee aanu marineyn hay’addo kale, taas oo Madaxweynuhu ka codsadey in dalalka kalena sidaas oo kale yeelaan.

 

Waa safiirkii ugu horeeyay ee Japan islamarkaana laga guddoomo aqoonsigiisa kadib muddo 21 sano ah oo aysan jirin dowlad dhexe oo rasmi ah ,iyadoo Dowladda Japan ay in ka badan 200 Milyan oo dollar ku bixisay soo celinta Nabadgelyada Soomaaliya islamarkaana ay Dhanka Gaadiidka ka taageertay Ciidamada Booliska Somalia.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.