Qorshahan ay doonayso in Uganda in Muqdisho ka furato Safaaradeeda ee Soomaaliya ayaa lagu micneeyay in qeyb ay ka tahay horumarka iyo ifafaalaha Nabadeed ee la dareemayo,iyadoo dhanka kale Uganda ay tibaaxday in wadanka Soomaaliya oo dagaalo ay aafeeyeen haatan uu u muuqdo mid soo kabsanaya.
Waxaana sidoo kale sheegeen in xarakada al-shabaab oo inta badan ka ariminayay gobolada iyo bartamaha Soomaaliya haatan laga saaray islamarkaana ay joogaan ciidamada xukuumada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda Okello Oryem,oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Uganda damacsan tahay inay adkeyso xariirka ay la wadaagto Soomaaliya iyo in la iska kaashado arimaha la xariira ammaanka iyo dhaqaalaha.
Dowlada Uganda ayaa waxay ka mid tahay dowladaha caawiya Soomaaliya ciidamadeedana ugu deeqday Soomaaliya si Xarakada Al-shabaab ula dagaalamaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.