Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy
Ayaa waxa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah Safiirka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan u fadhiya Mudane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax iyo Madax ka socotay Wasaaradda Howlaha Guud ee Dalka Sudan.
Wafdigan uu Wasiirka horkacayo oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin Xoghaya Wasiirka C/risaaq Cabdi Cabdilaahi, Agaasmiha Qorshaynta Wasaarada Mudane: C/laahi Maxamed Cali, Ku xigeenka Maareeyaha Dakadaha Mudane: Axmed C/kariin Xuseen, & lataliyaha Wasiirka Eng: C/rishiid Maxamed Axmed.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kulamo la leeyahay masuuliyiin ka tirsan Suudaan kuwaasi uu casuumaad ka helay waxa uu carabaabay inay kawada hadlayaan dib u dhiska dalka kaabayaasha dhaqaalaha dhisida wadooyinka iyo korontada.
Waxaa uu intaas Wasiirku ku daray in uu Sudan ku yimid Marti qaad Rasmi ah oo uu ka helay Dhigiisa Dalka Sudan.
Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay inuu faah-faahin ka bixin doono natiijada kasoo baxda kulamada uu la qaato masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Suudaan.
Wafdigan ayaa lagu wadaa in uu Dalka Sudan joogo muddo Laba Cisho ah ayna kulama la qaadan doonan Madax sare oo ka Tirsan Dowladda Sudan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.