Dagaalo Xalay Ka Dhacay Deegaanka Janaale

jiinka February 20, 2013 Comments Off
Dagaalo Xalay Ka Dhacay Deegaanka Janaale

Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xarakada Alshabab ayaa xaley ku dagaalamey deegaanka janaale ee gobolka Shabeelaha hoose,

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintey 3 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay.

 

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogaga taabacsan Al-shabaab ay weerareen ciidammada isbahaysanaya ee toddobaadkan la wareegay deegaannadaas, waxaana dagaalkan uu socday muddo saacad ka badan.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa billaabey howl-gallo ay ku raadinayaan kooxihii weerarka ku soo qaaday, iyagoo qabqabtay dad badan oo deegaanka ah.

 

Saraakiil u kala hadlay dowladda Soomaaliya iyo xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Janaale, iyagoo dhinac walba uu sheegtay inuu dagaalkaas guulo ka gaaray.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.