Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku ammaanay dowladda Iran kaalmooyinka bini’aadannimo ee ay u fidisay Somaaliya.
Afhayeenka AMISOM Kornayl Cali Aadan Xumad oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee dalka Iran ee FRAS ayaa ka codsaday dowladda Iran in ay u fidiso taageero ciidamada AMISOM si ay nabad ugu soo dabaalaan dalka Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa rajeynaya in uu xarakada al-Shabaab ka xorreeyo deegaannada ay ka joogaan dalka.
Dhowaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad waxay ku kulmeen magaalada Qaahira ee dalka Masar waxayna dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee uu ku tallaabsaday xiriirka u dhaxeeya labada dal.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.