Waa Sidee Xaaladda Gegmada Mahadaay & Buurane!

jiinka February 19, 2013 Comments Off
Waa Sidee Xaaladda Gegmada Mahadaay & Buurane!

Waxaa maanta xaalad deganaanshaho ah laga dareemaya Degmada Mahadaay iyo Buurane ee gobolka Shabeelada Dhexe oo maalintii shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM ka saareen al-Shabaab.

 

Goobaha ciidamada dowladdu la wareegeen waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha Jowhar, Buurane iyo Mahadaay oo dhanka waqooyi ka xiga xarunta Shabeeladda Dhexe ee Jowhar.

 

Taliyaha qaybta Booliska ee Shabeelada Dhexe Khaliif Cabdule Cabdi ayaa saxaafada u sheegay in goobaha laga saarey al-Shabaab ay geynayaan ciidamo suga amniga, isla markaana ka hortagayaan falalka amniga waxyeelada ku ah, isla markaasna baaritaano ku samaynayaan goobahaas.

 

Saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay doonayaan in la isku xiro gobolada Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan, Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyn oo keliya ayaa gacanta dowladda ku jirta marka la eego degmooyinka kale ee isla gobolkaas waxaana uu lee yahay muhimad gaar ah maadaama uu isku xiro ilaa 5 gobol.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.