Kulan ay ka soo qaybgaleen Odoyaasha dhaqanka, Salaadiinta, Boqorada, Culimaudiinka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada oo lagu taageerayay Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Mubaarak ee magaaladda Muqdishu.
Xubnihii ka qayb gale Kulankaas ayaa sheegey in Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed uu yahay mid raali la isaga yahay xubno loo xulay ee samatabixin kara Xiligan shacabka Soomaaliyeed dhanka dib u heshiisiinta iyo joojinta colaada ku raagtay dalka Soomaaliya.
Ugu horreyn taageeridaas waxa ka hadlay qaar ka mid mas’uuliyiinta Golaha, Suldaan Kamal Salad Xasan ahna xiriiriyaha Golaha Salaadiinta (GSS) ayaa ka aqriyay qoraal heerarkii loo soo maray qaab dhismeedka golaha iyo soo xulista xubnaha ugu sarsareeya ayna ku doorteen Gudoomiyaha Golaha Salaadiinta in uu noqdo Boqor Eng. Faarax Cabdi Guure.
Ugaas Muxyadiin Xasan Axmed oo raacsaday hadalka ayaa yiri “Iyadoo aynu cuskanaynu tiirarka iyo qiyamka diinta Islaamka ah ee uu ku salaysan yahay dhaqanka soo jireenka ah dadka iyo dalka Soomaaliya ayuu golahan (GSS) u taagan yahay nabada deenta beelaha Soomaaliyeed meel walba ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya “
Kulan lagu taageerayay Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo ay ka hadleey madax sare oo soo xaadirtay madasha sida Duuliye Sare Maxamed Xaaji Dhagax, lataliyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maxamed Xirsi Faarax, Wasiirka Gaadiidka Gal-Mudug Faysal Xuseen Ciid iyo Ex Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow ayaa soo dhaweeyay Doorashada gudoonka Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed.
“waxaan u sheegeynaa umadda Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka in aan aqbalnay una dirayno hambalyo iyo tahniyad Gudoomiyaha loo doortay hogaanka (GSS) Boqor Eng. Faarax Cabdi Guure” sidaana waxaa yiri Duuliye Sare Maxamed Xaaji Dhagax.
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay Kulanka Guddoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed Boqor Eng. Faarax waxuuna yiri “Waxaan rajaynayaa inaanu marka hore wada hadal dhanka dhaqanka ah la bilaabi doono walaalahayaga ee Somaliland isu keeno oo aanu gacanta isu soo galino oo aanu isu soo dhaweyno, taasaynu ballan-qaadaynaa. isaga oo intaas raaciyay: “Waxa kale oo aannu ballan-qaadaynaa, in aynu u taagan nahay xalinta qilaafaadka madaxda dalka, waxaannu ku dadaali doonnaa wax kasta oo ummadda horumarkeeda ah. Sidoo kale inaannu shaqo wanaag samanaynno oo dhanka Dhaqanka Soomaaliyeed ah.”
Kulan lagu taageerayay Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed iyo Duco loo duceeyay Shacabka Soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.