Ururka NUSOJ oo maanta kulan wada tashi ah suxufiyiin Soomaaliyeed ugu qabatay magaalada Muqdisho

jiinka February 18, 2013 Comments Off
Ururka NUSOJ oo maanta kulan wada tashi ah  suxufiyiin Soomaaliyeed ugu  qabatay magaalada Muqdisho

Kulan looga hadlayay Horumarka iyo Xeerka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qayb galeen ku dhawaad Boqol Saxafi oo ka  kala Howl gala Warbaahinta dalka qaybaheeda Gaar ahaan kuwa ka howl gala Gobolka Banaadir ee Idaacadaha,TV-yada iyo Websiteyada

 

Ugu Horeyn Kulanka ayaa waxaa hadal ka Jeediyay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj  Cumar Faaruuq Cismaan kaasoo ka hadlay Xeer dhawaan dowladda Soomaaliya ay u sameysay Saxaafadda dalka kaasoo uu tilmaamay in uu yahay Xeerkii dowladdii Allaha U Naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed islamarkaana aaney ku qanci karin Saxaafadda isagoo codsaday in Guddi Khubarro Saxafiyiin ah loo saaro in ay ka soo Baaaraan Degaan Xeerkaasi, waxna ka bedelaan.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale ka hadlay qaabka iminka ay u shaqeyso Saxaafadda ka howl gasha Gobolka Banaadir isagoo Carabka ku dhuftay si loo helo qorshe lagu soo Celinayo Xiriirkii Saxafiyiintii Muqdisho in uu u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Max’ed Bashiir Xaashi isagoo kula Taliyay inuu si hufan u guto howsha loo igmaday.

 

Max’ed Bashiir Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheeay in uu ka soo dhalaali doono Booska ay u dhiibteen Saaxiibadiis Saxafiyiinta Soomaaliyeed isagoo Shaaca ka qaaday inuu u kuur gali doono dhibaatooyinka kala duwan ee Heysta Saxafiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ka howl Gala Gobolka Banaadir.

 

Kulanka ayaa waxaa looga dhawaaqay Guddi ka kooban Xubno Khubaro Saxaafadeed ah oo dib u eegis ku soo Sameeya Xeer dhawaan dowladda ay ku dhawaaqday ee Shuruuc u noqonaya Saxaafadda dalka kuwasoo ka soo talo bixinaya qodobada xiriirka cusub ee saxaafada.

 

 

 

C/rashiid C/laahi Xeydar

Rashiid123@gmail.com

www.jiinwebi.net

Bank of Somali Rivers

Mogadisho Somalia

Comments are closed.