Kulan lagu Taageerayey Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

jiinka August 26, 2012 Comments Off
Kulan lagu Taageerayey  Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo  lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulan lagu qabtay Hotelka Amiira oo ay isugu yimaadeen in kabadan boqol qof oo isugu jira Nabadoono, Siyaasiyiin, Aqoonyaahno, Dhalinyaro, Haween iyo waxgaradka Beesha Cabdalle sabti oo ka mid ah beel waynta karanle Hawiye, Ayaa lagu taageeray Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim Wehliye in ay kamid tahay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Nabaddoon Sheekh Yaxye Sheekh Cali Cibaar oo ugu horeyntii  ka hadlay kulanka taageerada ayaa soo jeediyey wacyi gilin diini ah iyo midnimada qiimaha ay u leedahay Ummada caalamka, wuxuuna halkaasi ka cadeyey in ay mudan tahay Xildhibaanad Maryan Cariif lagu taageero Kursiga ay u soo dhicisay Beesha Cabdalle Sabti, si sharci ah na ay ku soo gashay Golaha Baarlamaanka Cusub.

Kulankan lagu taageerayey  Xildhibaan Maryan Cariif oo ay ka  hadleen  Odayaal Dhowr  ah sida Nabadoon Cumar Makaraan, Nabaddoon Maxamed Cadow Rooble Nabadoon Ismaaciil Cadow Cabdulle iyo Nabaddoon Yuusuf Axmed Maxamed  oo ka soo jeedo Beelaha Sagaal iyo Seddex Cabdalle Sabti ayaa codkooda si buuxda ugu biriyay taageerada xildhibaan ahaanshaha Maryan Cariif.

 

Nabaddoon Yuusuf Axmed Maxamed oo kamid ahaa Odayaasha  Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee 135  oo  soo xulayey Xildhibaanda Cusub ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey qaabka Xildhibaanad Maryan Cariif kaga mid  noqotay xubnaha Baarlamaanka, kadib markii ay la tar tameen 3 kamid ah Beesha Cabdalle Sabti una suuragashay in ay ku guuleysato Kursigii Xildhibaanada Haweenka ay ku lahaayeen Baarlamaanka Cusub

“Maryan Cariif waan taageerayaa waxeynka ku soo baxday Xildhibaanad mana diidani, horeyna wey u soo noqotahay Xildhibaanad 12 sano  hadana waxay ku heshay kartideeda, Anigana waxaan ahaa Nabaddoonkii u saxiixay in ay noqoto Xildhibaan cidii igu diidanna waxaa u hayaa Dukuminti Ama  Qoraalo cadeynaya in ay ka guuleysatay Walaalihii la tartamayey, waxaana ka mid ahaa Dr.Gacal  oo asiga  u tanaasulay Xildhibaanimada Walaashii Maryan Cariif” sidaasina waxaa yiri Nabadoon Yuusuf Axmed Maxamed oo saxaafada u soo bandhigay qoraalo.

 

Ugu dambeentii waxaa ka hadashay Xildhibaanad Maryan Cariif  Qaasim Wehliye oo  u mahad celisay Dhamaan ka soo qeyb galayaasha Qado sharafta lagu taageerayey waxayna sheegtay in ay Kursiga u gashay tartan ka mid noqoshada Xildhibaanada Cusub waxeyna cadeysay in ay dhibaato badan kaga soo gudboonaatay Odayaasha Dhaqanka Balse ay u suuragashay Xildhibaanimada Baarlamaanka Cusub “ Kaarka Xildhibaanimada Ama  Baajka Xildhibaanada ee aan idin soo qaaday waxaa is kaleh Beesha Cabdalle Sabti qof weyn iyo qof yar ba  waxaana ogolahay in aad ku wareejisaan Qofkii iga mudan Aniga, hadii aad Anigu ii Ogalaataana waxaa idinka Codsanayaa in aad igu sii saan Qalbi furan iyo Doco mas’uuliyadaan waa mid weyn oo u baahan in Raali la isaga yahay mana doonayo wax aad Raali ka aheyn Idinka” sidaana waxaa tiray Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ay qiirad ka muuqatay.

Dhamaan ka soo qeyb galayaasha kulan ka taageerada Xildhibaan Marayn  ayaa ku dhiiri giliyey Sacab, waxaana Baajkii loogu dhiibay Odeygii ugu Da’da weynaa ee ka soo qeyb galay kulanka asaga oo Luqanta u geliyey karkii Xildhibaanimada Gacantana madaxa ka saaray uguna duceeyey cimri dheer iyo in Allah la garab galo Mas’uuliyada ay u qaaday Shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale waxaa madasha Kulanka laga aqriyey warsaxaafadeed wuxuuna u qornaa sidan hoos ku qoran

 

      JAMHUURIYADA SOOMAALIYA

                 MUQDISHO – 26/08/2012

                 BEESHA CABDALLE SABTI

                WAR SAXAAFADEED

Shirwayne ay isugu yimaadeen in kabadan boqol qof oo isugu jira

Nabadoono, Siyaasiyiin, Aqoonyaahno, Dhalinyaro, Haween iyo waxgaradka

Beesha Cabdalle sabti oo ka mid ah beel waynta karanle Hawiye, kana soo saareen war saxaafadeedkaan:

1- kadib markii ay ku guuleysatay tartankii beesha Cabdalle oo dhexmaray sedex murashax oo beeshu soo gudbisay beeshu waxey u hambalyeynaysaa Xildhibaan MARYAN CARIIF QAASIM oo ku guuleysatay kursigii beesha, waxeyna ugu duceeyeen in alle la garabgalo.

2-Beeshu waxay Xildhibaan Maryan u Cadeynaysaa in ay la garab taagantahay taageerada beesha oo hiil iyo hoob leh, waxayna ku boorinaysaa in xilkaas culus ay u gudato si daacadnimo ku jirto iyada oo marwaliba soo hormarinaysa danaha guud ee dalka iyo dadka oo beeshu ka mid tahay.

3-Beeshu waxey ka cabaneysaa UGAASKA BEESHA MURUSADE Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaasi faragelinta qaawan ee arimaha beesha cabdalle ee dhaqanka iyo siyaasada ee uu ku sameeyey beesha isaga oo si ula kac ah kashaqeeyey qeybinta, isku dirka iyo kala fogeynta bulshada Cabdalle ee walaalaha ah.

4-Beesha waxey go’aan ku gaartay in ay si qota dheer ugu fiirsato kalsoonidii uu ku matali lahaa beesha Cabdalle dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba.

5-Beesha waxey magacowday gudi ka kooban todobo xubnood oo xaliya khilaafadka beesha dhexdeeda ah ee uu dhaliyey ugaasku.

Wabilaahi Towfiiq

 

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

 

Comments are closed.