Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj Cumar Faaruuq Cismaan oo Maanta Lahadlay saxaafada ayaa waxa uu ka hadlay Qaabka Wada shaqayn u Dhexmari lahayd Warbaahinta iyo Dowladda.
Cumar Faaruuq ayaa waxa uu soo dhaweyay Kulankii shalay Ra’isal Wasaaraha uu la qaatay Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan isagoona ku amaanay Xukuumadda Ra’isal Wasaare Saacid sida ay u garab taagantahay Suxufiyiinta hase ahaatee waxa uu Hoosta Ka xariiqay in ay kulankaasi ka hadleen Shaqsiyaad aan ehel u’ahayn Saxaafadda Soomaaliyeed.
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay kulankaasi aysan ka qayb galin Ururka Saxafiyiinta Qaranka Dad Matala isagoona Beeniyay kulankaasi in ay Goob Joog ka ahaayeen Xubno ka socda NUSOJ.
Sikastaba hadalkaan Ka soo Baxay Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Ku soo beegmaya Xilli Shalay Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu kulan la qaatay Masuuliyiinta Warbaahinta ka howl Gasha Casimadda dalka ee Muqdisho.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.