Dagaal Cadale Ka Dhacay Ee Gobolka Sh.Dhexe

jiinka February 17, 2013 Comments Off
Dagaal Cadale Ka Dhacay Ee Gobolka Sh.Dhexe

Degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu dagaal ka dhacay tuulada Xagareey oo ka tirsan degmada Cadale.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay inuu dagaalka u dhaxeeyay shacabka ku dhaqan deegaanka iyo xarakada al-Shabaab oo weerarka soo qaadday.

 

Hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, lix kalena waa ay ku dhaawacantay, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan dadka deegaanka.

 

Wararka waxay intaas ku darayaan in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay iska caabbiyaan weerarka ugaga yimid xarakada al-Shabaab.

 

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.