Ra’iisul Wasaaraha Oo Maanta Kormeer U Tagay Xeryaha Ciidanka Soomaaliyeed

jiinka February 16, 2013 Comments Off
Ra’iisul Wasaaraha Oo Maanta Kormeer U Tagay Xeryaha Ciidanka Soomaaliyeed

R/wasaaraha Xukuumaadda Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasiiradiisa ayaa maanta Kormeeray qaar ka mid ah xeryaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

 

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” R/wasaaraha dalka oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka ayaa maanta kormeerkooda waxa ay ku tageen, isbitaalkii xoogga, kuliyada Jaalle Siyaad,

 

Xirada guul wadayaasha iyo wasaaraddi Gaashandhiga waxa ayna aheyd u jeedada kormeerka R/wasaaraha inuu ogaado dhismaha xeryahaasi maadaama ay xukuumadu qorsheyneyso in dib u dhis ay ku sameyso xeryaha ciidamada qalabka sida gaar ahaan militariga.

 

Ugu horeynti R/wasaaraha iyo xubnihi lasocday waxa ay tageen isbitaalkii xoogga oo iminka dhismo kasocdo waxa ayna kusoo wareegeen dhamaan qeybaha isbitaalka, indha indheynta isbitaalka xooga kadib waxa ay tageen kuliyadda Jaalle Siyaad oo iminka xarun u ah ciidamada Burundi, xiradi guul wadaayaasha iyo wasaaraddi gaashandhiga.

 

Marki ay soo dhameysten socodkii ay R/wasaaraha dalka iyo wasiirka gaashandhiga ay ku tageen qaar kamid ah xarumihi ciidamada ayuu saxaafada la hadlay waxa uuna sheegay in u jeedka kormeerkooda uu ahaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladaha xeryaha ciidamada dowladda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.