Degaanka Buulo-Gaduud Oo La Wareegay Ciidamada Dowlada & Kuwa AMisom

jiinka February 16, 2013 Comments Off
Degaanka Buulo-Gaduud Oo La Wareegay Ciidamada Dowlada & Kuwa AMisom

Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay maanta qabsadeen deegaanka Buulo-Gaduud oo 30 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka.

 

Deegaanka Buulo-gaduud ayaa horey waxaa gacanta ugu haysay xarakada al-Shabaab.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka u dhaqaaqay dhanka deegaannada Buulo-gaduud, Kamsuuma iyo degmada Jilib oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa dagaal la’aan waxay kula wareegeen deegaanka Buulo-gaduud.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sii wada isku ballaarinta deegaanno hor leh oo ay kala wareegayaan kooxda xarakada al-Shabaab oo awood ahaan sii wiiqmeysa.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.