Qarax Ka Dhacay Afaafka Hore Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho[Sawiro]

jiinka February 16, 2013 Comments Off
Qarax Ka Dhacay Afaafka Hore Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho[Sawiro]

Qarax Goor dhow kadhacay Goob Maqayad oo kutaalo Xeebta dheer Liido ee Degmada Cabbdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

 

Qaraxa ayaa kadhacay Banaanka hore ee maqaayad kutaalo xeebta dheere ee liido waxaan lasheegay in oo kadhacay goob ladhigto gawaarida raaxada oo ah banaanka maqaayada.

 

Khasaaraha dhimashada ayaa lasoo sheegaya inay tahay kaliya hal ruux iyadoo dhaawac uu jiro balse aysan sidaasi ubadneyn.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay waa goob banaanka ka ah maqaayada Liido Sea Food oo xeebta dhinaceeda ku taalo halkaasi oo raashinka iyo waxyaabaha kale laga cuno goobo nasiinana leh.

 

Ugu danbeyntii Gaadiid gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM iyo sidoo kale kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi gaaray oo goobta isku gadaamay waxaana iminka socda baaritaano kala duwan oo ay ciidanka wadaan.

 

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.