Xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa kulan ay isku yimaadeen oo ka dhacay xaruntooda,
Xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa kulan ay isku yimaadeen oo ka dhacay xaruntooda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa looga hadlay arimaha soomaaliya gaar ahaan cunaqataynta hubka ee saaran dowlada soomaaliya.
Shirkaan oo ay dowlada soomaaliya uga qayb gashay wasiirka arimaha dibada ahna raysal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ,ayaa waxaa shirka intuu socday waxaa la isla soo qaaday arintan hubka ee saaran Dawlada soomaaliya kaasi ay qaramada midoobay ay saartay sanadii 1992 xilligaas oo dalku aysan jirin cidka la talisa .
Shirka golaha ammaanka ayaa waxaa warbixin kooban waxaa laga dhagaystay kaaliyaha xoghaya guud ee qaramada midoobay kaasi oo sheegay in dawla soomaaliya ay adag tahay in xiligaan laga qaado wallow ay arinkaasi horey uga soo hor jeesteen dawladaha Frances-ka iyo Britan ,iyadoona inta uu kulan socday la isku af gartay in mudo bil ka dib arinkaani dib u eegis lagu sameyn doono.
Wasiirka arimaha dibada Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa carabka ku dhufatay in ciidamada AMISOM oo mandaytkooda uusan ku jirin inay dhinaca bada ka hawl gala gaar ahaan ciidamada Dawlada Kenya sida ay sheegtay wasiiradu ka hawl galaan bada taasi oo aysan amar u qaban.
Horay ayaa arinta qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Dawlada soomaaliya waxaa u soo bandhigay golaha ammanaka xoghayaha qaramada midoobay Ban Ki-moon wallow arinkaani ay adkaatay in laga qaado.
Ugu danbayntii ayaa shirka intii uu socday waxa la isla gartay in dib la iskugu soo laabto 30 casho ka dib si hadana dib u eegis loogu sameeyo arinkaani ku saabsan qaadista cuna qabataynta hubka ee saaran dawlada soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.