Pro. Jawaari Oo Addis Ababa Kula Kulmay Madaxda Baarlamaanka Itoobiya

jiinka February 14, 2013 Comments Off
Pro. Jawaari Oo Addis Ababa Kula Kulmay Madaxda Baarlamaanka Itoobiya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey caasimadda itoobiya ee Adis-Ababa.

 

Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Federaalka Itoobiya Abdula Gemeda iyo masuuliyiin ka tirsan Itoobiya ayaa ku soo dhaweeyey wefdiga Soomaaliya garoonka diyaaradaha Boli International Airport.

 

Wefdiga Prof.Jawaari ayaa loo galbiyey Hotelka Hilton, kadib waxa ay kulamo soo dhaweyn ah la qaateen isaga iyo wefdigiisu madaxda Baarlamaanka Itoobiya.

 

Prof. Jawaari oo casumaad ka helay dhigiisa dalka Itoobiya Abdula Gemeda ayaa sheegay in ay ka wada hadlayaan iskaashiga labada Baarlamaan, is kaashiga khibradaha iyo arrimo kale oo aanu qeexin waxa ay yihiin,

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan sheegin inta ay qaadanayso safarka uu Itoobiya ku aadey kaas oo ah kii u horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay madaxda Itoobiya kawada hadlayaan khilafka ka taagan maamul u samaynta gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin gacansaar la leh Itoobiya, waxaana Itoobiya ka jooga Gobolka Baay ciidamo badan.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.