Gobolka Sh/Hoose ee Degmada Janaale ayaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kaabiga u saaran yihiin degmadaasi.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii ay isaga baxeen halkaasi dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in degmada xalay isaga baxeen Ciidamada Xarakada Alshabaab saakana gudaha u soo galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jireen iska hor imaadyo goos goos ah oo ka dhacayay deegaanada u dhaxeeya Shalanbood iyo Janaale habeenimadii xalay hase yeeshee iminka degmada gacanta dowladdu gashay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.