Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeesay U Safray Itoobiya

jiinka February 13, 2013 Comments Off
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeesay U Safray Itoobiya

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

 

Guddoomiye Jawaari oo ay safarkiisa ku wehliyaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa booqashadiisa waxay ka dambeysay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ethiopia.

 

Jawaari oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ka hor intii uusan ka dhoofin Muqdisho ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka Ethiopia ay kala hadli doonaan xiriirka labada baarlamaan, wada-shaqeyn dhexmarta iyo arrimo kale.

 

Waa safarkii ugu horreeyay oo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu ugu baxo dibadda tan iyo markii xilka loo doortay dabayaaqadii sanadkii hore.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.