Qarax Goor Dhawayd Magaalada Muqdisho Ka Dhacay

jiinka February 13, 2013 Comments Off
Qarax Goor Dhawayd Magaalada Muqdisho Ka Dhacay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Daqiiuqado kohor lagu weeraray walxaha qarxa, iyadoo ay sababtay khasaarooyin kala duwan.

 

Qaraxaan oo loo adeegsaday bambo gacmeyd ayaa waxaa lagu tuuray Askari ku sugnaa Maqayad biibito ah oo kutaala iskoysa qabtiisa xigta dhanka bakaraaha inkastoo uusaan askarigii wax garin hada 3 qof oo rayid ah ayaa goobta ku naf waayay.

 

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah wiil aah ka ah, isgoysa kaas oo halkaas cabitaan ku biire jiraay iyo saaxiibkiis oo isaga isla goobta kabo kutoli jiraay halka qofka lalana uu haa mid kamid ah dadka deegaanka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxayna xilligaan ay ka wadaan hawl galo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

 

Ciidamada Dowladda ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay bambadaan, oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

 

Magaalada muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kasoo cusboonaday qaraxyo iyo dilaal dadka in tooda badaan ay ka nasteen.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.