Dagaal Sababay Khasaaro Ayaa Xalay Ka Dhacay Gobolka Bay Ee Magaalada Baydhabo

jiinka February 13, 2013 Comments Off
Dagaal Sababay Khasaaro Ayaa Xalay Ka Dhacay Gobolka Bay Ee Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha iyo dhowr jiho oo kale oo ka tirsan magaalada Baydhabo kaas oo u dhexeeyay sida warku sheegayo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ka soo jeeda.

 

Dagaalka oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii ay ciidamada Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen goobaha uu dagaalku ka dhacay, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu socday muddo 15-20 daqiiqo ah ka dib uu si iskiis ah u istaagay.

 

Dhinaca kale dagaalo culus ayaa barqanimadii shalay ka dhacay degaanka Beer xaano oo ka tirsan gobolka Jubada hoose, kaas oo yimid sida ay wararku sheegayaan ka gadaal markii fariisin ciidamada dowladdu ay halkaa ku lahaayeen ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

 

Dagaalka oo soconayey in ku dhow Seddax saacadood ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo laga maqlayey degaanada kale ee u dhow goobtaasi, waxaana dadka degaanku ay xaqiijiyeen in illaa Sideed ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamayey in halkaas ay ku dhinteen halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

 

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee halkaa ku sugan ayaa si kooban uga hadlay dagaalkaas iyagoo sheegay inuu ahaa weerar dhuumaaleysi ah oo ay ku soo qaadeen Al-Shabaab hase yeeshee ay dib isaga waabiyeen sida ay yiraahdeen saraakiisha dowladda.

 

Saraakiisha ayaa sheegtay in khasaaruhu u badnaa dhinicii weerarka soo qaaday halkaasna ay ku gaarsiyeen khasaare ba;an waa sida ay hadalka u dhigeene iyagoona intaa raaciyay in degaankii lagu dagaalamay uu haatan deggan yahay isla markaana ay iyagu gacanta ku hayaan goobahaas.

 

Saraakiisha ayaa intaa ku dartay in dagaalkii shalay ka dhacay Degaankaas inuusan waxba u dhimayn qorshayaasha laga damacsan yahay sidii maamul looga sameyn lagaa guud ahaan gobolada jubbooyinka iyo gedo waxayna saraakiisha dowladdu ay ku doodeen inay sii wadayaan dagaalka illaa gebi ahaanba ay ka saarayaan Shabaab degaanada uu kaga sugan yahay Gobolada Jubbooyinka.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dagaalyahanada xarakada Shabaab ee dagaalkaas xaqiijinaya hase yeeshee dadka degaanka ayaaba sheegay in dagaalkii shalay halkaas ka dhacay inuu ahaa dagaal culus oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.