Ra’iisul Wasaaraha Oo La Kulmay Wufuud Ka Socday Baarlamaanka Burundi

jiinka February 12, 2013 Comments Off
Ra’iisul Wasaaraha Oo La Kulmay Wufuud Ka Socday Baarlamaanka Burundi

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaali Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii Burundi ee guddoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Burundi Hakizimana Emilien.

 

Waxayna ka wada hadleyn xiriirka labada dalka, gaar ahaan dhinaca Amaanka iyo howlgalka Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM.

 

Raysul wasaaraha ayaa saxaafada u sheegay in kulanka ay la qaateen wafdiga iney isku afgarteen kulan kooda uuna ku dhamaaday si guul ah,

 

Wuxuuna uga mahadceliyay sida ay shacabka Soomaaliyeed ay u garab istaageen xilligii loo baahnaa. “Waan ka mahadcelineynaa ka dowladd ahaan iyo waliba Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

 

Sidoo kale, Raysul wasaare Shirdoon ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey dowladda Burundi ay dowrkaan oo gala u gashay oo ay kala qeyb-qaadatay waqtigoodii xanuunka badnaa oo aan tababaro iyo magan galyaba siinay, taariikhdaas ayaaa inga dhaxeyso dowladda iyo Shacabka Burundi, waana kaga mahadcelinaynaa sida ay iyaguna noogu abaal gudeen.

 

Wafdiga dowladda Burunti ayaa ka kooban 15 xubnood, Iyagoona kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya, Sida Guddoonka Baarlamaanka, Madaxtooyada, iyo Raysul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filayaa iney noqdaan maalinta Jimcada.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.