Kulanka ayaa dirrada lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka gobolka Shabeellada Dhexe iyo sidii maamulka gobolka uu wadashaqeyn buuxda ula yeelan lahaa qeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool gobolkaasi.
Qaar ka mid ah odayaashii ka hadlay kulankaasi ayaa muujiyay baahida ay u qabaan nabadgelyo ka tisqaada gobolka, iyagoo xusay in dhibaatooyin farabadan ay ku qabi jireen, waxeyna ballanqaadeen in ay maamulka kala shaqeyndoonaan sugida ammaanka.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/Dhexe ayaa uga mahadceliyay odayaasha wadashaqeynta ay muujiyeen waxeyna mas’uuliyiintu tilmaameen in ay mudnaanta siindoonaan sugida ammaanka gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ee uu kulanku ka dhacay ayaa ka mid aheyd meelaha ugu daran ee ka dhici jireen tacadiyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Ban’iaadanimada ka hor intii aan laga xoreynin.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.