Hal qof ayaa ku dhintay inta la og yahay afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne Korneyl Cali Cabdi Mahad oo saxaafada u xaqiijiyay qaraxa,
Isagoo tilmaamay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhamaantood ahaayeen rayid.
Wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu sii diyaariyay goob ay dadku shaah ka cabayeen oo ku taalla xaafadda Howlwadaag.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabqabtay qaraxa ama sheegatay.
Waa qaraxii u horreeyay ee noociisa ah oo Beledweyne ka dhaca tan iyo markii ay ciidanka Jabuuti ee AMISOM la wareegeen ammaanka magaalada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.