Wufuud Xildhibaanno Burundi AH Oo kula Kulmay Muqdisho Madaxda Dowlada

jiinka February 11, 2013 Comments Off
Wufuud Xildhibaanno Burundi AH Oo kula Kulmay Muqdisho Madaxda Dowlada

Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi oo shalay soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa ay kulamo kula qaateen Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Kulanka kadib ayaa waxaa Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ee ku sugan Muqdisho kuwaasi oo la sheegay in ay u kuur galayaan Howl gallada Ciidamada Burundi ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Saxaafadda Faah faahin ka siiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Baarlamaanka dalka Burundi isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Xubno ka tirsan Baarlamaanka Burundi in ay soo gaaran Muqdisho isagoona sheegay in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo Mustaqbal u noqon kara labada dal.

 

Agsiman Himilyano oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka dalka Burundi oo isna lahadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay halkaan ay u yimaadeen in ay u kuur galaan sida ay u howl galayaan Ciidamada Burundi ka jooga Soomaaliya iyo weliba sidii heshiis Caalami ah u dhexmari lahaa Baarlamaanada Soomaaliya iyo Burundi.

 

Gaba Gabadii wafdigaan Xildhibaanada ah ee ka socda Baarlamaanka dowladda Burundi ayaa waxa ay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.