Najeeriya Oo Koobka Wadamad Afrika Qaaday

jiinka February 11, 2013 Comments Off
Najeeriya Oo Koobka Wadamad Afrika Qaaday

Ciyaartii Finalka ee Koobaka Wadamada Afrika ayaa waxaa ku guuleystay Kooxda Nigeria oo 1-0 uga badisay kooxda Burkina Faso.

 

Ciyaartan oo ka dhacday Garoonka magaalada Johannesburg ee (Soccer City) ayaa ahayd mid si weyn loo sugayey ahaydna mid xiiso badan.

 

Kooxda Burkina Faso ayaa markii ugu horeysay taariikhda usoo baxday ciyaarta ugu danbeysa ee Finalka iyadoo horey uga soo guuleysatay kooxda Ghana.

 

Kooxda Nigeriya oo iyadu kamid ahayd kooxaha sida weyn ciyaar wanaaga u muujiyey intii uu socday isreeb reebka koobka Afrika, ayaa kamid ah kooxaha ugu awooda badan Afrika.

 

Balse sanadadii lasoo dhaafay ku guuleysan weyday inay qaado koobabka muhiimka ah oo uu kamid yahay koobka Afrika,

 

Waxaana ugu danbeysey oo ay noqdaan Horyaalka Africa sanadkii 1994, markaas oo Neyjeeriya lahayd kooxdii soo marta waayadan tii ugu awooda badneyd ayna ka dhex muuqan jireen Jey- Jey Akocha, Rashid Yakini iyo Danial Amocachi.

 

Kooxda Nigeriya ayaa Semi-finalka ku soo reebtay kooxda dalka Mali oo iyaduna kamid ahayd kooxihii dadaalka dheeriga ah muujiyey sanadkan.

 

Labada kooxood ee Nigeriya iyo Burkina Faso ayaa kuwada jiray Group C, waxayna yeesheen ciyaartoodii ugu horeysay markii ciyaaraha ay bilowdeen.

 

Ciyaartii Finalka ee dhexmartay labada kooxood ee Nigeriya iyo Burkina Faso, ayaa ku bilaabatay dardar balse Goolkii uu dhaliyey Laacibka wata number 19 ee Sunday Mba oo laad ku celis ah lugtiisa bidix ku dhaliyey goolka daqiiqadii 40aad ee ciyaarta.

 

Kooxda Burkina Faso ayaa isku dayday weeraro rogaal celis ah balse waa uu diiday goolka, waxayna ku sigteen in goolal kale laga dhaliyo kadib markii weeraro isdaba joog ah ay kooxda Nigeriya kusoo qaadeen qeybtii labaad ee ciyaarta.

 

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday dalka Nigeriya oo koobka Afrika qaaday markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1994tii, waxaana kooxda Nigeriya koobka gudoonsiiyey Madaxweynaha dalka Martida loo yahay ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.