Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah kaasi oo lala eegtay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay ruux ismiidamiyay kaasi oo doonaye inuu khaarijo taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland Nuuradiin.
Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac xaaladiisa caafimaadna lagu dabiibayo gudaha Isbitaalka.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan dhaawaca ilaa 13-ruux oo 8-kamid ah ay yihiin ilaalada taliyaha halka sidoo kale 5-kale ay yihiin dad shacab ah.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Maamulka Puntland ee qaraxa lala eegtay Nuuradiin Axmed Muuse oo saxaafada kula hadlay Isbitaalka Magaalada ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan dhaawac fududna uu soo gaaray.
Sidoo kale Jaamac Maxamed Axmed oo ah taliyaha qeybta Booliiska Puntland oo isna la hadlay saxaafada ayaa wuxuu sheegay in qaraxaasi ay fuliyeen Al-Shabaab ayna ku doonayeen inay dilaan taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay meel mashquul iyo saxmad ah oo ay ka dhaw yihiin shirkada ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo dhimashada ilaa iminka lasoo sheegay ruuxa ismiidaamiyay kaliya, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen masuuliyada weerarka lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
Ciidamada Nabadsugida Puntland ayaa soo gaaray goobta kuwaasi oo howlgal ka sameeyay nawaaxiga meesha uu qaraxa ka dhacay balse ilaa hada lama oga cida ay ku soo qab qabteen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.