Qarax Xoogan Oo Goor Dhow Magaalada Marka Ka Dhacay

jiinka February 10, 2013 Comments Off
Qarax Xoogan Oo Goor Dhow Magaalada Marka Ka Dhacay

Xaalada oo haatan ah Mid Kacsan Duleedka magaalada MArko ayaa goor dhow halkaasi ka dhacay qarax xoogan lala egtay Ciidamo dowlada katirsan oo kolonyo ah.

 

Qaraxaan oo lasheegay in oo ahaa miinada dhulka lagu rakibo waxaana lasheegay in Ciidamada dowlada rasaas ooda kaqaaday ayadoo jawiga goobta isku badalay mid aad u kacsan.

 

Duleedka magaalada marko ayaa qaraxaan uu ahaa mid aad u culus laga maqlay duleedyada magaalada marka gaar ahaan inta udhaxeyso tuulada bilal.iyo ceel waaregow gaar ahaan kiliga xaaji abuukar.

 

Lama oga khasaaraha rasmiga ah oo ka dhashay qaraxaas wallow oo la sheegay in Ciidamada dowlada halkaasi ay ka qaateen dhaawacyo ka soo gaaray Askarta.

 

Ugu dambeyntii majirto wax war ah ka soo baxay kooxda shabaab walloow khasaaraha ugu badan mar waliba soo gaaro shacabka maatada ah ee ku dhaqan goobaha ay ka ak dhacaan weerarada.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gamil.com

Comments are closed.