Deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay ayaa ku soo waramaya in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Ithopia iyo Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ciidan oo ciidamada dowladda iyo Kuwa Ithopia ay ku leeyihiin deegaankaasi Goof Gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay oo u badan dhinacyadii dagaalamay ee Askarta dowladda kuwa ithopia iyo Ururka Al Shabaab.
Dagaalka kadib ayaa lagu arkayay Deegaanka Goof Gaduud Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ciidamada Ithopiya oo howl gallo ka wada deegaankaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.