Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Wado Dalka Oo Dhan Iney Samayso Isbedelo Hogaanka Siyaasada

jiinka February 10, 2013 Comments Off
Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Wado Dalka Oo Dhan Iney Samayso Isbedelo Hogaanka Siyaasada

Todobaadyo is bedelo oo ay sameynayaan qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, iyadoo is bedeladaan ay qeybta ugu weyn ay sameyn doonta hey’adaha amaanka dowladda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa horyaala howlo culus oo ay ugu weyn tahay is bedelka lagu sameynayo hey’adaha amaanka dowladda, kaa soo horay u socday ka hor inta aanu safarka aadin.

 

Is bedeladan ayaa waxay noqon doonaan mid si guud ah u saameeya Taliyaasha ciidamada qalabka sida,

 

kuwaasoo horay loo saadaalinayay in xil ka qaadis iyo kala wareejin lagu sameynayo, waxaana Taliyaasha qaar ay la socdaan is bedelka ku dhici doona, kadib markii lagu wargeliyay.

 

Taliyeyaasha ciidamada xooga dalka, Asluubta, Booliska, iyo Nabadsugida ayaa is bedel lagu sameynayaa, waxaana taliyeyaasha qaarkood horay loogu wargeliyay in xilka laga qaadayo, iyadoo ay jiraan xilal kale oo loo balan qaaday sida Safiir oo kale.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in is bedeladan ay noqon doonaan kuwii ugu xooganaa ee dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh sameyso, taasoo tan iyo markii xilka qabatay si tartiib tartiib ah ula wareegeysay howsha dalka.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in is bedeladan ay sidoo kale saameynayaan Maamulada dalka ka jira, iyadoo is bedelkii u horeeyay lagu wanqalay xil ka qaadistii lagu sameeyay maamulkii hore ee Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo, kuwaasoo loo magacaabay Maamulo KMG ah oo muddo lix bilood shaqeynaya.

 

Sidoo kale isbadalkaan ayaa la doonayaa in xilka looga xayuubiyo gudoomiyaha ku meel gaarkaa ee jobooyinka Axmed madoobe kaas oo hugaansha jamhada tunka wayn ku leh goboladaas oo taagero kahela kenya iyo urur Goboledka IGAD.

 

Halka Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hugaamiyo taarsan horay loogu digay oo loo sheegay in xilka laga qaadayo in dhawaalaba la hadal hayay in meesha uu ka bixi doono, iyadoo todobaadyadii u dambeeyay ay Muqdisho soo gaarayeen siyaasiyiin iyo iyo dad kaleba oo u hanqal taagaya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay jeexdo qad cusub oo ka duwan kuwii ay horay u qaadeen dowladihii hore, waxaana ay dib u soo celin doontaa Wakaaladihii hoos tagi jiray wasaaradaha, kuwaasoo dib loo howl gelinayo.

 
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamil.com

Comments are closed.