Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta furay siminaar looga doodayo xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta oo ay diyaarisay wasaaradda warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka.
Siminaarka oo soconaya muddo labo cishe ah waxaa ka qeyb-galaya bahda saxaafadda, isgaarsiinta iyo khubarro caalami ah.
Xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta ayaa looga gol leeyahay sidii shuruuc loogu sameyn lahaa isgaarsiinta ka howlgasha dadka gudihiisa sida shirkadaha taleefoonnada, adeegyada Internet-ka iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo muddo ka badan 22 sano aan lahayn shuruuc cayimeysa xuquuqda shaqo iyo qaabkii dowladda ay u canshuuri lahayd, wasiirka warfaafinta ayaa sheegay.
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri: “Waxaa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxaa la jabiyey xeerkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay mawjado ay waddamo kale leeyhiin, waxaa lagu xadgudbay xuquudii muwaaddinka oo lagu khasbay inuu qaato saddex taleefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo taleefoonkeeda.”
Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaa isku marmay hareeraha waddooyinka waayarradii taleefoonnada iyo korontada, si loo saxo dhammaan khaladaadkaas waxay dowladdu soo diyaarisay xeerkan oo la rabo inaad taladiinna ku soo biirisaan kaddibna loo gudbiyo golaha wasiirrada si looga ansixiyo,
Ugu dambeyna la horgaynayo golaha baarlamaanka oo ka dhigaya sharci lagu dhaqo Isgaarsiinta iyo Warbaahinta.”
Raysul wasaarha ayaa u mahadceliyay doorka ay shirkadaha isgaarsiinta ka qaateen horumarka dalka muddadii 22-ka sano ee dalku uu burbursanaa.
“Waxaan u mahadcelinayaa kaalinta wax ku oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen horumarka dalka muddadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta, waxaa marnaba aan la dhayalsan karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada, oo ay ka mid ka yihiin isbitaallada, waxbarashada, masaajidda, iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan,
Waxa kale oo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeenna oo aan dowladi ka jirin ama nidaam adag lahayn muddo ku dhow 22 sano inuu noqdo waddan ku horumaray Isgaarsiinta iyo aaladda Internet-ka, waxayna Soomaaliya safka hore kaga jirtaa waddamada Afrika ee ku horumaray dhanka isgaarsiinta,” ayuu yiri raysul wasaare Shirdoon.
Shirdoon wuxuu sheegay inay dowladdiisu diyaarin doonto nidaamka canshuuraha looga qaadi lahaa shirkadaha isgaarsiinta, oo uu sheegay inay wax weyn ku soo kordhin karto dhaqaalaha dowladda.
Wuxuu sheegay inay dowladdiisu ballanqaadeyso in canshuuraha laga qaadi doono shirkadaha isgaarsiinta lagu horumarin doono adeegyada kala duwan ee bulshada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.